War-saxaafadeed

Xubno ka mid ah guddiga fulinta Dalladda Bulshada rayidka  ee Puntland (PUNSAA) oo shir aan caadi ahayn ku yeeshay Xarunta dallada ee Garowe, maanta oo taariikhdu tahay 16-October, 2017 waxay cambaarayeen  qaraxii waxashnimada ahaa ee lala beegsaday shacabka Soomaaliyeed ee ku sugnaa isgoyska Zoobe ee magaalada Mogadishu kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan.

Guddiga fulinta iyo dhamaan xubnaha golaha guud ee Dalladda Bulshada rayidka ah  (PUNSAA) waxay tacsi u dirayaan dhamaan umudda Somaaliyeed gaar ahaan eheladdi iyo qaraabadii dadkoodu ku nafwaayey qaraxaaasi ka dhacay caasimada dalka waxay ahayd geeri guri walba gashay kana ilmaysiisay cid walba oo maqashay ama aragtay. Waxaan alle ugu baryeynaa in uu caafimaad degdeg ah siiyo dadkii ku dhaawacmay qarraxaas.

Dalladu waxay ugu baaqaysaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed meel kastoo ee ka joogaan dal iyo dibadba garahaan, dadka reer Puntland in ay u gurmadaan walaalahooda ku waxyeeloobay qaraxa muujiyaana door caawimaad mug leh iyo garab istaaga dadka ay dhibaatadu soo gaartay.

Bulshada Rayidka ah ee Puntland (PUNSAA) waxay ugu baaqaysaa dowladda Puntland in ay hormuud u noqoto abaabulka ay sameenayaan dadka reer Puntland gurmadna lagu gaarsiinayodadka qaraxu waxyeeleyay sidoo kalana in shacabka Puntland ee kaalintooda ka qaataan sidii loo garabsiin lahaa qoysaska liita oo ay saameysay musiibadu.

PUNSAA waxa kale oo u soo jeedinayaan Dawladda federaalka, Dawladaha xubnaha ka ah iyo beesha caalamka inay xil weyn iska saaraan sidayugu  qeyb galaan gurmadka loo fidinayo dadka ay dhibaatooyinku soo gaareen.

Mahadsanidiin

Faysal Ahmed Warsame

Gudoomiyaha  Dallada PUNSAA

Click here to download as a pdf